WARARKA SOOMAALI

Daawo: Hay’adaha Fozzia Health Foundation oo Cusbitaalo ka dhisaysa Widhwidh & Awrboogays Kulankii Minneapolis-Video+Sawiro.

Kulanka oo ay soo qaban qaabisay Fozzia Health Foundation oo ah , hay’ad Khayri ah ayaa kulan balaadhan ku qabatay magaalda Minneapolis ee G/MN ee dalka Maraykanka , kulanka ayaa waxa dhaqaale loogu tabarucayey cusbitaalo laga hergelin doono magaalooyinka Widhwidh iyo Awr-boogays ee Sool iyo Cayn, taasoo ay dhawaanahan booqatay Foozia iyo gabdho kale oo deegamada u dhashay, Foosia X Dirir iyo gabdhaha kale ayaa dhamaantood soo bandhigay qaabkeey wax u bilaabeen, ayadoo dhaqaale xoogan dadku isku qoreen, kuwaasoo wax ka tari doona dhisida cusbitaaladaas. Waxa kulanka goonjoog ka ahaa ganacsada ugu waa weyn ee gobolka Minnesota ee Soomaalida, Safiirka Soomaaliya ee maraykanka iyo aqoonyahanada bahda caafimaadka Soomaaliyeed ee gobolka.

HALKAN KA DAAWO……

Dedaaladan lagu dhisayo caafimaadka deegaanka ayaa ah kuwa shacabku aad ugu baahan yihiin , wakhtigan dadku magalooyinka buuxinayaan ka dib Jabkii xoolaha gaadhay ee abaartii sababtay.

SOMALI NEWS

To Top