WARARKA SOOMAALI

DAAWO:Madaxweyne Farmaajo oo si kooban uga hadlay Xaaladda Guud ee Dalka kadib mudo uusan kasoo muuqan warbaahinta iyo Sharciga isgaadhsiinta-Video

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta saxiixay sharciga Isgaarsiinta ee dalka, kaasoo si rasmi ah u dhaqan galaya wixii manata ka bilowda.

Munaasabad ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Kusimaha Guddoomiyaha Golaha shacabka, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, Xildhibaano iyo bulshada rayidka.

Sharciga Isgaarsiinta ayaa muddo fog hor-yaalay Baarlamaanka, iyadoo marxalado kala duwan soo maray, hase ahaatee Baarlamaanka 10aad ayaa ku guuleystay inuu meel mariyo sharcigan.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Golaha shacabka iyo Aqalka sare ayaa bishii August ee sanadkan meel mariyay sharcigan oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayay Munaasabada uu ku saxiixay sharcigan ayaa sheegay in sharcigan aanu wax sahlan aheyn, isla markaana shaqo aad u fara badan la geliyay, waxaana uu u mahad celiyay dhinacyadii gacanta ka geystay.

Ugu dambeyn waxaa munaasabada laga akhriyay faafinta rasmiga ah ee Madaxweynaha ka soo saaray sharcigan oo noqonaya mid dhaqan gala wixii maanta ka dambeeya.

 

SOMALI NEWS

To Top