WARARKA SOOMAALI

Maxakamad 39 ku xukuntay Nin Cadaan ah oo lagu eedeeyay in uu dhaawacay Laba ruux oo Soomaali ah

Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa 39 sano ku xukuntay nin lagu magacaabo Anthony Sawina, kasoo lagu eedeeyay in uu toogasho ku dhaawacay dhalinyaro Soomaaliyeed oo baabuur saarneyd Sanadkii hore.

Qaadiga Maxkamadda Federaalka ee degmada Dinkytown ayaa sheegay in ninkaasi uu dhalinyaradda Soomaaliyeed uu xabado ku furay xilli ay saarnaayeen gaari sidaa darteedna lagu xukumay eedeysanaha 39 sano oo xabsi ah.

Xeer ilaaliyaha maxkamada ayaa la sheegay in uu ka codsaday qaadiga maxkamada xabsi gaaraya 20 sano balse Qaadiga Maxkamada ayaa ku dhowaaqay xabsi laban lab ka badan midkii laga codsaday.

Anthony Sawina ayaa qirtay in uu ka dambeeyay falkaasi ,balse uu is difaacayay isagoo sheegay in raga gaariga saarnaa ay wateen hub kana baqay in ay dilaan.Maxkamada ayaa ku heshay ninkan inuu galay sagaal dambi oo kala duwan.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in falkaasi uu ahaa mid ku saleysan Islaam Naceyb. Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay  Anthony Sawina in uu isku dayay in uu waxyeelo u geysto dad badan oo muslimiin ah.

SOMALI NEWS

To Top