WARARKA SOOMAALI

Daawo:Wasiir Bayle“Soomaaliya cidna kuma aamineyso Lacag cadaan ah”Sababta ogow-Video

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Caalamka Soomaaliya aysan ku aamineyn lacago caddaan ah iyo Maamulida Mashaariicda kala duwan ee laga fuliyo Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya Barnaamijyadaasi Mashaariicda ah loo Maamulo.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Waxa uu sheegay in Wasaarada Maaliyada ay ka shaqeyneyso Maamul wanaagsan iyo sidii Soomaaliya loogu aamini lahaa lacagaha Cadaanka ah.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in laga fogaado Xatooyada iyo Masuq Maasuqa si Caalamka ay u aaminaan Soomaaliya oo Mashaariicyada ay dad Soomaaliyeed u maamulaan.

Wasiirka Maaliyada ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay gaari doonto mar ay isku filan tahay oo aysan Caalamka wax ugu baahneyn.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib markii uu shalay ka furay Muqdisho shir looga hadlayo Kobcinta dhaqaalaha iyo mideynta Canshuuraha, waxaana shirkaasi ka qeyb galay Wasaarada Maaliyada iyo Wasiirada Maaliyada ee Maamul goboleedyada Dalka ka jira.

 

SOMALI NEWS

To Top