WARARKA SOOMAALI

Daawo:Waxgaradka Puntland oo Runta ka sheegay Qasaarihii Dagaalkii Af-urur Cabdiweli Gaas iyo Qarjab oo qariyey awal-Video

Warar dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan Khasaaradaha dhabta ah ee ka dhashay Weerarkii lagu soo qaaday Ciidankii Puntland ee ku sugnaa deegaanka Af-urur ee Gobolka Bari.

Maamulka Puntland ayaa isku dayey inuu Qariyo KHasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Weerarkaasi, Balse waxaa arintaasi Daboolka ka qaaday Waxgaradka deegaankaasi, Iyagoo sheegay in Ciidamo ka badan 40- Lagu aasay Deegaanka Ceel-daahir.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Garaad Cabdullahi Cali Ciid iyo Qaar kamid ah Saraakiisha wax ka yaqaa arimaha Ciidamada ayaa wax laga Xumaado ku tilmaamay in maamulka Puntland uu isku dayo inuu Qariyo Khasaaraha iyo siday wax u dhaceen, Sidoo kalana wuxuu Xusay Garaadku inuu Jiro Khasaare Ba’an oo soo gaadhay Ciidnkii, Islamarkaana dadkii Halkaasi ku sugnaa ay Indhihiisa ku tuseen Meydka Ciidankii.

Madaxwaynaha maamulka Puntland ayaa Dawlada Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ka codsadya in lagu Gacan siiyo dagaalka ay la geli doonaan Al-shabaab.

 

SOMALI NEWS

To Top