WARARKA SOOMAALI

Mas’uul maalmo kahor laga celiyay Hawada oo Maanta gaaray Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG-ka ah ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa galabta gaaray Cabdi Cali Raag oo ah La-taliyaha arrimaha doorashooyinka ee Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdi Cali oo markii horey ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay siyaasiyiin iyo xubno kale, xili todobaad ka hor hawada laga celiyay diyaarad uu la socday.

Tagitaanka Kismaayo ee la-taliyaha arrimaha doorashooyinka Farmaajo ayaa ka dambeysay, kadib markii dhawaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu amar ku bixiyay in aan safarada laga xayiri karin Musharaxiinta.

Sidoo kale Rooble iyo Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka ka jira oo habeen hore khadka Zoomka ku dhex maray ayaa ka wada hadlay in Musharaxiinta xilalka doonaya aan safarada laga celin iyo cid kasta oo safreysa.

Sanadki 2018 ayay is khilaafeen isaga iyo Axmed Madoobe, waxaana laga qaaday La Taliyenimadii dhinaca siyaasadda, waxaana uu ka mid noqday La Taliyeyaasha Villa Somalia, isagoona todobaad ka hor hawada laga celiyay diyaarad uu la socday, xili uu kusii jeeday Magaalada Kismaayo.

SOMALI NEWS

To Top