WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo safar Deg-deg ugu ambabaxay London

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka dhoofay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyagoo kusii jeeda dalka Ingiriiska.

Ujeedka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Magaalada London ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka Shir heer Caalami ah oo ka dhaci doona Magaaladaas oo looga hadli doono sara u qaadista tayada Waxbarashada Carruurta.

Shirkaan furmaya ayaa waxaa la sheegay inuu shir guddoon doono Ra’iisul Wasaaraha dowladda UK Boris Johnson, waxaana ka qeyb galaya Madax ka kala socota dalal kala duwan, kuwaasi oo Shirka lagu casuumay.

Inta uu ku sugan yahay Ingariiska, Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu kulan la qaadan doonaa Ra’iisul Wasaare Boris Johnson, Madax iyo Mas’uuliyiin kale, isagoo kala hadli doona Arrimo kala duwan.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Ingiriiska ayaa noqonaya safarkii ugu horreeyay ee uu ku tegayo tan iyo markii xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda loo magacaabay.

SOMALI NEWS

To Top