WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Madaxweynaha Puntland oo kulan la yeeshay wafdi ka socda QM

Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Anita Kiki Gbeho iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa Maanta gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Anita Kiki Gbeho iyo wafdiga la socday.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay xaaladiihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka Xildhibaanada Aqalka Sare oo maalmaha soo socda si rasmi ah uga bilaaban doonta dalka.

Sidoo kale Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo Anita Kiki Gbeho ayaa ka wada arrinsaday taageerada Qaramada Midoobay ee ku aadan Mashaariicda horumarineed ee laga fulinayo deegaanada Puntland.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top