WARARKA SOOMAALI

Mareykanka oo Baaq u diray Madaxda dowladda iyo M/Goboleedyada

War kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa loogu baaqay Madaxweyaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu xaqiijiyo in shirka si buuxdo looga qeybgalo si heshiis kama dambeys ah looga gaaro arrimaha doorashada.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa loogu baaqay madaxda maamul goboleedyada inay ka qeybgalaan shirka iyagoo aan wax shuruud ah ku xireynin.

Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa maalintii labaad shirka ka maqan iyagoo shuruudo hor dhigay ka qaybgalkooda.

Muqdisho waxaa maalintii labaad galay shir ay leeyihiin madaxda dawladda Federaalka iyo qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir kaas oo looga hadalayo khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya.

SOMALI NEWS

To Top