WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Madaxweynaha Somaliland oo qaatay Tallaalka Cudurka COVID-19

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta daah-furay ololaha ee tallaalka xanuunka Covid-19 ka bilaabmay, waxana uu madaxweynuhu si rasmi ah u qaatay dhibcihii ugu horreeyey ee tallaalka covid-19.

Munaasabadda Daah-furka ololaha tallaalka xanuunka Covid-19, ayaa madaxweynaha waxa  kala qayb-galay badiba xubnaha ugu sarreeya Somaliland oo ay kamid yihiin guddoomiyaha golaha wakiillada, hoggaanka saddexda xisbi iyo xubnaha guddida doorashooyinka oo qaatay tallaalka Cudurka.

Muuse Biixi ayaa shaaciyey inay qaadashada tallaalku si rasmi ah u bilaabantay, laguna  saleeyey qorshaha wasaaradda horumarinta caafimaadku u dejisay.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Madaxweyne Biixi.

SOMALI NEWS

To Top