WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Howlgal CULUS oo laga fuliyay Caasimadda Hirshabeelle

Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Haramcad ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle, waxaana howlgalka laga helayaa faah faahino.

Ciidamada ayaa howlgalka inta badan ka sameeyay xaafaddaha kala duwan ee Jowhar, isla markaana waxaa lagu soo qabtay dad u badan dhalinyaro, kuwaasi oo looga shakiyay falal amni darro.

Saraakiisha hoggaamineysay Ciidamada howlgalka fuliyay oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in ujeedka howlgalka laga sameeyay Caasimadda maamulka Hirshabeelle uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Howlgalka qorsheysan.

SOMALI NEWS

To Top