WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dowladda Somalia oo heshiis cusub la gashay Hay’ad Caalami ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Hay’adda Maalgashiga iyo Ganacsiga u qaabilsan Bangiga Adduunka ee IFC la saxiixatay heshiis cusub, waxaana  heshiis saxiixay Wasiirak Maaliyada Xukuumadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Heshiis dowladda la gashay Hay’adda Maalgashiga iyo Ganacsiga ayaa waxaa uu yahay mid lagu taageerayo horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya iyo gacan ka geysashada sidii fursado waara loogu abuuri lahaa bulshada Soomaaliyeed.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in Horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay uu muhiim u yahay isbeddelka dhaqaalaha ee Soomaaliya, isla markaana dowladda ay ka go’an tahay horumarinta dhinaca dhaqaalaha.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Wasiir C/raxmaan Beyle.

SOMALI NEWS

To Top