WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:-Wasiir Janan oo ku biiraya Dowladda iyo dhabar-jab soo wajahay…

Sida ay xaqiijiyeen Ilo xogogaal ah waxaa gabo-gabo maraya heshiis lagu soo afjarayo colaadii ka taagnayd Gobalka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, ayna isku hayaan dowladda Federaalka iyo Jubbaland.

Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa la sheegayaa inuu ku biiri doono dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, isagoo ka wareegsan doona Maamulka Jubbaland, laguna soo dhaweyn doono Magaalada Balad-Xaawo.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayan in Wasiir Janan iyo Ciidamo farabadan oo uu hoggaaminayo ay tegi doonaan Balad-xaawo, si loogu soo dhaweynao, waxaana socda qaban-qaabadii ugu dambeysay.

Isku dayo la xariira in uu awood kula wareego Gobalka Gedo oo ay taageereysay Kenya ayaa fashil kusoo dhamaaday, sidaas oo kale mudooyinkii u dambeeyey isaga & Madaxweynaha Jubbaland xariirkood ayaa xumaa.

Xeel-dheerayaal siyaasadeed ayaa ku warramay in qorshaha Wasiir Jana nee socda uu dhabarjab weyn oo soo gaari doona qorshihii Madaxda dawlad gobaleedyada Jubbaland iyo Puntland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.

SOMALI NEWS

To Top