WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Maxaa kasoo baxay Shirka maalinta 2-aad ee Madaxda DF iyo DG?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka.

Kusimaha Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ahna Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abokor Dubbe ayaa ka warbixiyey qorshaha mideysan ee ay ka soo saareen Guddigu shirkii Talo-soojeedinta Arrimaha Farsamada Doorashooyinka ee Magaalada Baydhabo.

Guddiga ayaa la wadaagay Madaxda nuxurka talo-soojeedintooda  ku aaddan doorashooyinka dalka, halbeegyada iyo jaantuska muhiimka u ah qorshaha Qaran ee qabsoomidda doorasho loo dhanyahay oo waafaqsan heshiiskii doorashooyinka ee la meelmariyey.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlay warbaahinta ayaa faah  faahin ka bixiyay Shirka maalintii labaad Madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada ku yeesheen Teendhada Afisyooni.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Wasiir Cismaan Dubbe.

SOMALI NEWS

To Top