WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Wafdi Caalami ah oo Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho

Wafdi ka socday dowladda Talyaaniga oo uu hoggaaminayay Wasiirka Gaashaandhigga Talyaaniga, Guerrini Lorenzo ayaa gelinkii dambe ee Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Taliyaha Ciidanka Xoogga Gen. Odawaa Yuusuf Raage iyo xubno kale.

Wasiiru dowladaha gaashaandhigga, Taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo saraakiil kale ayaa ku sugnaa garoonka. Sidoo kale, danjiraha Taliyaaniga ee Soomaaliya ayaa soo dhaweynta ka qeybgalay.

Halkaan ka Muuqaalka Wasiirka Gaashaandhigga Talyaaniga.

SOMALI NEWS

To Top