WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Axmed Madoobe oo xilka qaaday Wasiirka Amniga Jubbaland

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xilka ka qaadey Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) Wasiirkii Amniga Dowlada Jubbaland sida lagu sheegay war goordhaw kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland.

Xilka qaadista Cabdirashiid Janan ayaa imanaysa kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in uu heshiis la gaaray dowlada federalka. Wareegtada xil ka qaadista ayaa ku taariiqeysan 20-ka bishan Marso oo ah afar maalmood kahor xilliga la baahiyay ee maanta ah.

Halkaan Riix si aad u Daawo Muuqaalka

Cabdirashiid Janan ayaa hore dowlada federalka ugu eedeeysay inuu dambiyo ka galay dalka waxana uu ku dhuumaalaysanayay xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

SOMALI NEWS

To Top