WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Shirka Madaxd DFS iyo M/Goboleedyada oo maalintii 3-aad galay

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Doorashooyinka dalka ayaa maalintii Saddexaad galay, xilli shalay Warbixin looga dhageystay Guddiga farsamada arrimaha doorashooyinka.

Shirka oo uu shir guddoominayo Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka qeyb galaya Ra’iisal Wasaaraha JFS Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug, Koonfur galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka Madaxda ee Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka maqan Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Shirka Madaxda.

SOMALI NEWS

To Top