WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-DFS oo Digniin Culus u dirtay dalal faragelinaya Doorashada

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federalka Soomaaliya Cismaan Abokar Dubbe ayaa ku adkeeyey Danjireyaasha ka howl-gala dalka ilaalinta madaxbannaanida iyo qarannimada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa tilmaamay in qoraallo ay soo saareen Danjireyaasha shisheeye qaarkood ay ka baxsan yihiin shuruucda iyo curfiga diblumaasiyadeed, isagoo xaqiijiyey in dhaqanka noocaas ah aysan aqbalayn shacabka iyo dowladda Soomaliyeed.

Dhanka kale, Wasiir Dubbe ayaa ugu baaqay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada ee aan ka soo qeyb gelin Shirka muddadii saddexda cisho ahayd ee aad la soo dhaafay in ay ku soo biiraan, ayna qaataan doorka iyo masuuliyadda qaran ee ka saaran sii ambaqaadidda hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.

SOMALI NEWS

To Top