WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Khasaaro ka dhashay Madaafiic ku dhacday xaafaddo ku dhow Xalane

Hoobiyeyaasha oo jugtooda laga maqay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir ayaa waxaa ay ku dhaceen Xaafadaha Obasiibka ah oo u dhow Xerada Xalane oo ka tirsan degmada wadajir ee Gobolkan Banaadir gaar ahaan laanta Gabiyow, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho & dhaawac ah.

Dadka degaanka ayaa waxaa ay ku warameen in ilaa 4 Hoobiye ay soo dhaceen, isla markaana mid kamid ah hoobiyeyaasha uu ku dhacay Guri ay deganaayeen dad Shacab ah.

ka sokoow dhaawaca iyo dhimashada ay geysteen hoobiyeyaashii ku dhacay xaafado u dhow Xerada Xalane ayaa waxaa uu burbur xoogan soo gaaray Guryo jiingado ah oo uu hoobiyaha ku dhacay.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Madaafiicda.

SOMALI NEWS

To Top