WARARKA SOOMAALI

Maleeshiyaad ka tirsan Ciidamadda Maamulka Somaliland oo Nin Shacab ah ku dilay Laascaanood iyo Magaalada oo…

Ciidamada milatariga ee maamulka Somaliland ayaa saaka waabarigii dilay alle ha unaxariistee marxuum C.risaaq Aadan Jaamac oo ku magacdheer (Qalalabo) oo kamid aa darawada gaadiidka waaradada loo yaqaan.

Dilka ayaa ka dhacay kantaroolka bari ee magaalada laascaanood gaar ahaan kantaroolka Maraaga, waxaana dilkaasi gaystay ciidamo ka tirsan milatariga somaliland ,

Lamana oga sababta loo dilay marxuimka, iyadoona aysan weli ka hadlin maamulka gobolka ugu magacaaban iyo laamaha Amaanku.

Maaha markii uhiraysay ay ciidamada milatariga maamulka somaliland ay dilal noocan oo kala ah ay gaystaan, Balse waa kuwo soo noqnoqday falalka noocan oo kale ah

Horufadhimedia.com, Laascaanood

SOMALI NEWS

To Top