WARARKA SOOMAALI

DAAWO:Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland oo xilkii Deg deg uga qaaday Wasiir Maamulkaas ka tirsan oo dhawaan taageeray Dhiibista Qalbi-Dhagax-Video

Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Camey ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee xiriirka Gobolada Puntland Bashiir C/raxmaan Xaaji Gurxan.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Wareegto uu saaray Madaxweyne kuxigeenka ayaa waxaa lagu sheegay in xilka laga qaaday Bashiir C/raxmaan, kaddib markii uu ku kacay Mas’uuliyad darro iyo hab dhaqan lid ku ah hanaanka dowladnimo.

Lama oga wareegtadan xil ka qaadista inay salka ku heyso hadal uu Wasiiru dowlaha siiyay Warbaahinta, kaasoo uu ku taageeray go’aankii Golaha Wasiirada Soomaaliya ay ka qaadatay dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax oo bishii hore loo gacan geliyay Itoobiya.

Halkan hoose ka akhriso wareegtada xil ka qaadista

SOMALI NEWS

To Top