WARARKA SOOMAALI

Daawo:Xildhibaanadda Baarlamaanka oo Maanta kulan xaasasi ah ka leh arrinta Qalbi-Dhagax-Video

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxa ay yeelan doonaan kulan ajandihiisa uu yahay kiiska C/kariin Sheekh Muuse “Qalbi-dhagax “.

Kulanka maanta ay yeelanayaan xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxa uu yahay mid xasaasi ah oo ka duwan kulamadii hore oo ay yeelan jireen maadaama Xildhibaanada ay ku kala qeybsameen arinta C/kariin Sheekh Muuse “ Qalbi-dhagax”.

Xildhibaan Abuukaate Maxamuud ayaa sheegay in ay weli ku adkeysanayaan la xisaabtanka Xukuumada iyo sababta ay u qaadatay go’aanka.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Maalintii Sabtida ahayd ee la soo dhaafay kulan ay yeelan lahaayeen xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxa uu u baaqday kooram la’aan, waxaana ka dhashay muran kale oo Xildhibaanada qaar ay Xukuumada ku eedeen in ay ka dambeysay baaqashada Kulankaasi.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Xildhibaanada Aqalka Sare ee dalka oo Isniintii kulan ku yeeshay Muqdisho iyaguna ayaa dib u dhigay ka hadalka Kiiska C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax), kadib markii Xubnaha qaar ay soo jeediyeen in Ajandaha laga saaro kulanka, halka Xildhibaanada qaarna ay ku adkeysteen in aanan laga saarin Ajandaha kulanka, taasi oo dhalisay buuq ka dhex dhashay xarunta Aqalka Sare ee dalka oo ugu dambeyn la isku raacay in dib loo dhigo.

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo 6-dii bishan kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen (Qalbi-dhagax) inuu xiriir lahaa Al-shabaab, uuna yahay Argagixiso, sidaasina ay ugu wareejiyeen Itoobiya.

SOMALI NEWS

To Top