WARARKA SOOMAALI

Deg Deg Waraysi:Wasiirkii Camey xilka ka qaaday ka hadalka Qalbi Dhagax dartii oo hadda hadlay-Video

Wasiirru Dawlihii Madaxtooyada ee Xirirka Gobolada Puntland Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan oo uu Xilkii Ka qaaday Madaxweyne ku Xigenka Puntland ayaan Ka wareysanay siduu u arko,

Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan Ayaa isagoo ku sugan Muqdisho Sheegay inuusan Jirin Wax Xaqiijinaya in Xilkii laga Qaaday iyo cid la soo xiriirtay Midna,

Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan Ayaa sheegay in uu Taageeray Go’aankii Dowladda Soomaaliya ay sargaalka ONLF ugu dhiibtay Dowladda itoobiya, taasi oo uu sheegay iney dan ugu jirto Shacabka Soomaaliyeed,

Maraan weydiinay sababta uu isagu oga hadlay go’aankaasi, iyadoo aysan wali ka hadlin madaxda sare ee Puntland ayuu sheegay inuu isagu aragtidiisa ka hadlay walina Go’aankaasi taaganyahay.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Ugu Danbeyn ayuu sheegay inuu Magaaladda Muqdisho u joogo Arimo la xiriira Nabadeynta Deegaanada Gobolada Dhexe ee Soomaaliya oo uu ka soo jeedo, Halkaasna uu kala kulmay Masuuliyiin Kala duwan,

Waa Masuulkii ugu Horeeyay ee Taageera Go’aanka Dowladda Soomaaliya oo Xilkiisa ku waaya Taageerada Dhiibista Qalbi-Dhagax ee Soomaaliya ay ku wareejisay Dalka Itoobiya

SOMALI NEWS

To Top