WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo Wareegto Madaxweyne kaga qaaday Xilkii Hanti Dhowrkii guud ee Somalia-Akhriso

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa xeer madaxweyne ku soo saaray aqbalida xil ka qaadista Golaha Wasiirada ku sameeyeen Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

Xeerka Madaxweynuhu soo saaray waxaa uu sidoo kale si rasmi ah xilka uga qaaday Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka, iyadoo tani ay sii xoojineyso muranka la xiriira sharci ahaanshaha xil k qaadista.

Golaha Wasiirada ayaa shir deg deg ah oo ay xalay yeesheen waxay isku raaceen xil ka qaadista Hanti Dhowraha, kaddib markii Ilaaladiisa ay dileen Wasiirkii Howlaha Guud Cabaas Siraaji.

Hase ahaatee Hanti Dhowraha ayaa ku gacan seyray xil ka qaadista Golaha Wasiirada, isagoo ku tilmaamay in loo maray sifo aan sharci aheyn.

Waxaa uu ku dooday in isaga ay xilka ka qaadi karaan Baarlamaanka oo ay xasaanada kala noqon karaan, kaddib Madaxweynaha uu digreeto ku soo saarayo xil ka qaadistiisa.

Hanti dhowrka Guud ayaa sidoo kale sheegay in xil ka qaadistan ay tahay mid siyaasadeysan, isla markaana horay uga hadlay sharciyo uu ku xadgudbay Ra’iisul Wasaaraha oo ku aadan maamulka Miisaaniyadda.

Si kastaba arrinta xil ka qaadista Hanti dhowraha ayaa xiisad ka dhex dhalin karta hey’adaha dowladda, iyadoo qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ay durbaba ka soo horjeesteen, inkastoo Baarlamaanka uu fasax ku jiro.

SOMALI NEWS

To Top