WARARKA SOOMAALI

Daawo:Rag Kufsiday Gabdho yar yar oo Lagu soo Banidhigay Muqdisho iyo Murugada Hooyoyinkii dhalay-Video

Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Rag loo heysto in ay kufsi ka geysteen Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Cusmaan Xasan Ibraahim iyo Tahliil Maxamed Xuseen oo ah nimanka kufsiga geystay ayaa hada waxa ay ku xiren yihiin xarunta CID-da iyo xabsi ku yaalla Degmada Dharkeynley.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha Degmada Kaxda ayaa u kuurgalay xaalada Gabdhaha la kufsaday.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Hooyooyinka Gabdhahooda la kufsaday ayaa sheegay Gabdhahooda in ay u baahan yihiin gar gaar deg deg ah, maadaama xaalad caafimaad daro ay heysato.

Guddoomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil ayaa sheegay in sharciga la horgeyn doono ragggan, hadana ay ku jiraan gacanta Ciidanka ammaanka.

Inta badan xeryaha ay ku sugan yihiin dadka Barakacayaasha ah ee ku yaalla Duleedyada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca falalka nuucaan oo kale ah, ee kufsiga oo dad wax magarata ah ay kula dhaqaaqaan Hablo Soomaaliyeed.

SOMALI NEWS

To Top