WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Maraykanka oo ka hadlay askarigii Ciidamada Maraykanka ahaa ee lagu diley Soomaaliya.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka hadlay askari ka tirsan Ciidamada sida gaarka ah u tababaran oo lagu dilay Soomaaliya, xilli Ciidamada Mareykanka ka qeyb qaadanayeen howl gal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay duleedka Gobolka Shabeellaha Hoose.

Donald Trump ayaa sheegay in askarigaas uu dhintay, isagoo gudanaya waajibaadkiisa qaran, waxaana uu tacsi u diray eheladii iyo dhamaan qoyskii uu ka dhintay

Madaxweyne Trumo ayaa wacad ku maray inay sii wadi doonaan howl galada dhanka cirka ah ee ka dhanka ah dagaalyahanada Al-Shabaab.

War ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in askarigan uu u dhintay, xilli la talin iyo caawimaad uu siinayay ciidamada Soomaaliya.

Askarigan ayaa noqonaya askarigii u horeeyay ee lagu dilo Soomaaliya, tan iyo sanadkii 1994, xilligaasoo illaa 18 askari lagu dilay magaalada Muqdisho.

Bil ka hor Mareykanka ayaa tiro ciidamo u diray Soomaaliya, si ay u taageeraan Ciidamada AMISOM iyo ciidamada Soomaalida.

SOMALI NEWS

To Top