WARARKA SOOMAALI

DaawoTacsi:Mid kamid ah Dhalinyaradii ugu firfircoonaa Gobalka Cayn oo Xalay lagu dilay Buuhoodle-Video

Alle ha unaxariistee waxaa saaka ku dhintay magaalada Buuhoodle ee Gobalka cayn Cabdieaxiim Saleebaan Faarax (Cabdiraxiim Rabiish) oo kamid ahaa dhalinyaradii ugu firfircoonaa ee Gobalka Cayn kadib dhaawac xalay kasoo gaadhay Tooray lagu dhuftay kadibna wuxu saaka u geeriyooday dhaawacii.

Alle ha unaxariistee Cabdixakiim Saleebaan Faarax (Cabdiraxmiin Rabiish) Waxaa lagu xasuustaa in uu kamid ahaa dhalinyaradii dadaalka iyo juhdiga dheeraadka ah ku bixiyey samata bixinta iyo u gargaarka dadkii  uu xanuunka shuban biyoodku ku haleelay Buuhoodle oo uu ahaa dhalinyaradii ugu dadaalka badnaa isaga oo aan habeen seexan.

Dhowr goor ayuu waraysi siiyey Warbaahinta Horufadhimedia kuwaas oo dhamaantood ku saabsan xaalada Bukaanada iyo shaqadii adkeyd ee samafal ee ay markaas u hayeen bulshada oo uu Hormuud ka ahaa,Barnaamijii ugu xiisaha badnaa ee dadka aadka uusoo jiitay waxaa kamid ahaa Barnaamijkan oo ah Cunto karin quudin loo sameeyey Bukaanada ku jiray Cusbitaalka Daryeel ee Buhoodle oo uu isagu arrinta Fikirkeeda lahaa.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Maanta ayaa lagu aasay Cabdiraxiim Rabiish oo kamid noqday dhalinyarada lagu xasuusan doono dadaalkii iyo samafalkii ay Baalka dahabka ah kaga galeen badbaadinta shacabka reer Buuhoodle iyo deegaanada ku xeeran.Alle ha unaxariisto,Ehelkii Qarabadii iyo asxaabtiina samir iyo imaan alle ha ka siiyo aamin.

SOMALI NEWS

To Top