WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo Maanta ku wajahan Imaaraadka iyo Qorshihiisa oo la ogaaday….

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa lagu waddaa in uu maanta ka ambabaxo Magaalada Muqdisho.

Sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow Madaxweyne Farmaajo Saacaddaha soo socdo ayaa lagu waddaa in uu u dhoofo dalka Imaaraadka Carabta.

Safarka Madaxweynaha ayaa la sheegaya in uu salka ku haayo xiisadda dhanka khaliijka ka taagan iyo sidii dowladda Imaaraadka uu kaga dhaacin lahaa go’aanka ay qaadatay Soomaaliya.

Waa Safarkii Labaad ee uu Madaxweyne Farmaajo  ku tagayo dalkaasi tan iyo markii la doortay 8 February ee Sanadkaan 2017-da.

SOMALI NEWS

To Top