WARARKA SOOMAALI

Daawo:Shirkaddaha Gurmad,Lesco iyo Dahabshiil oo u Heshiiyey Shacabka Laascaanood iyo Korantadii oo ay Qaali kaga dhigeen-Video

Shacabka Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool ayaa si adag uga hadlay sare u kac balaadhan oo ku yimid adeega Korantada ee ay Bixiyaan Shirkadaha Gurmad iyo Lesco.

Shacabka ayaa ugu baaqay Shirkadahan in ay siiyaan Dadka shacabka ah adeeg koranto oo qiimihiisu raali galiyo isla markaana ay u tudhaan Dadka Dan,yarta ah.

Arintan ayaa la sheegay inay ka dambaysay kadib markii Shirkada Ganacsiga ee Dahabshiil ay Qayb yeelatay Shirkada Gurmad oo markii hore uu deegaanka ka hirgeliyey Gacansade lagu magacaabo Maxamed Jabuutaawi.

Abwaan Jaamac Kadiye Cilmi oo kamid ahaa Bulshadii Halkaasi ka hadashay ayaa eedayn Dusha uga tuuray Gurmad, Dahabshiil iyo Lesco, Wuxuuna sheegay inay Dhiiga Shacabka Jaqayaan, Wuxuuna si gaar ah ula hadlay shirkada Dahabshiil isagoo sheegaay inay ka Baydhay Wixii lagu yaqaanay.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Shirkadda Lesco oo iyadu ahayd shirkaddaha Laascaanood kuwa korantada siiya tii ugu wakhtiga dheerayd ayaa iyadu korantadeda soo jabisay oo ka dhigtay 05$ Kwt. halka uu awal ahaa halka Kwt. 1$.

Warar hoose ayaa sheegaya in labadan shirkadood ee Lesco iyo Gurmad ay isku Biireen isla markaana ay heshiis hoose galeen oo ah Hal shirkad.

SOMALI NEWS

To Top