WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo Maanta gaadhay Itoobiya iyo Soo dhawayntiisa-Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriaydda Federaaliga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Isniin ah gaarey magaalada Adis Ababa, tan oo ah lugtiisi labaad safar uu ku maraayey dalalka deriska ah.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmi doona Raysalwasaraaha Itoobiya, waxaana uu kala hadlayaa sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa la dagaalanka al-Shabaab kadib qaraxii xoga weynaa ee dhacay 14 Oktoobar oo lagu diley 352 qof.

Waa safarkii Labaad ee Farmaajo ku tago Itoobiya tan iyo markii loo doortey xafiiska, waxaana uu ka baaqsadey laba shir oo Itoobiya lagu qabanaayey, kuwaas oo uu ka qaybgalay raysalwasaare Kheyre.

Farmaajo ayaa soo marey dalka Uganda waxaana uu kulan la qaatey Madaxweyne Museveni oo uu kala hadley qorshiha uu kaga jawaabayo xasuuqii 14 Oktoobar.

SOMALI NEWS

To Top