WARARKA SOOMAALI

TOOS U DAAWO:Xafladda Caleemo saarka Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo ka socota Jowhar iyo Madaxda Maamulada-Video

Xarunta maamulka Hirshabelle ee Jowhar waxaa Ka socotaysa xafladda caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Hirhsballe Maxamed Cabdi Waare.

Waxaa maanta gaaray Jowhar madaxda maamul goboleedyada, Koonfur Galbeed, Galmudug, Puntland iyo weliba Jubaland oo iyagu dhawaan sameeyey Madal ay iska leeyihiin Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowaldda federaalka ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa xafladda lagu wadaa in ay ka qayb galaan Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wefdi uu hoggaaminaayo.

HALKAN TOOS UGA DAAWO

Maxamed Cabdi Waare ayaa la doortey 16 bishii hore, laakiin marna ma suurto gelin in si rasmi ah loogu caleema saaro Madaxweynaha Hirhsballe.

SOMALI NEWS

To Top