WARARKA SOOMAALI

Daawo:Taliyihii Ciidanka Booliska Maamulka Puntland oo Cabdiweli Gaas xilkii ka eryay Xabsi Gurina dhigay-Video

Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Maaamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa shaqadii looga joojiyey xabsi gurina lagu xukumay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Xeer Madaxweyne Lr. 126 October 22 2017, kuna saabsan shaqa kajoojin iyo xabsiguri Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.

Markuu arkay Dastuurka dawladda Puntland, Islamarkaana uu qiimeeyey Falalkii uu kukacay taliyaha ciidanka Booliska Puntland taariikhdu markay ahayd 21 October 2017. Wuxuu Go’aansaday.

1. Waxaa S/Guuto Cabdiqaadir Shire Faarax (Ereg) laga joojiyey shaqada Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.

2. Waxaa sidoo kale S/Guuto Cabdiqaadir Shire Faarax (Ereg) laga dhigay (xab siguri) ilaa amar danbe.

Xeerkani wuxuu dhaqan-gelayaa markuu Madaxweynuhu Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

Taliye ku xigeenka Booliska Puntland ayaa ku dhaawacmay rasaas uu riday taliyaha booliska Puntland C/qadir Shire Faarax Ereg, oo isagu rasaastaasi u waday sida la sheegay guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne.

 

SOMALI NEWS

To Top