WARARKA SOOMAALI

Daawo- Faysal Waraabe oo sheegay hadii Buhodle Dagaal ka dhaco in Puntland ka cararayso sidii Laascaanod, Hanjabaadna u Direy G /C/Risaaq-Video.

aysal Cali Waraabe oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeisa ayaa ugu horayn wuxuu sheegay in Heshiiskii Somaliland ay la gashay Madaxwaynihii khaatumo Cali Khaliif uu yahay guul ay gaadheen, Islamarkaana uu ahaa mid midaynaya Somaliland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhinaca kale Faysal ayaa Wuxuu dagaal ugu Hanjabay magaalada Buuhoodle, Wuxuuna Aflagaado iyo digniin u jeediyey Garaad C.risaaq Garaad Soofe oo ah Garaadka Guud ee Gobolka Cayn, Isagoo sheegay inuu Rabshad ka wado Buuhoodle, Wuxuuna sheegay inuusan Buuhoodle ku xidhi karin Dawladda Soomaaliya.

“Buuhoodle Shan Daqiiqo ayaanu ku Qabsan karaa, Waxaanu diidaynaa inay Dhibaato Dhacdo, Hadii aan doorashada kusoo baxo Buuhoodle kuu Rahmanaan mayso, Waxaana eedaasi leh in Buuhoodle maanta Xamar lagu xidho Dawladihii iga Horeeyay “ Ayuu yidhi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sidoo kale Hanjabaad u diray Puntland . “Xabadu markay dhacdo ayuu iska tagayaa Ninka Reer Garoowe, oo Laascaanood waa tii ka dhacday, C.wali gaas waxaan leeyahay Balan waxaa nagu ah inaanu Garoowe Nimaadnimo, Dulqaadkii wuuu naga dhamaaday.” Ayuu hadalkiisa Raaciyey.

Myanmar military armed-tanks are driven during a parade to commemorate the Myanmar’s 72nd Armed Forces Day in Naypyitaw, Myanmar, Monday, March 27, 2017. Myanmar marks 72nd Armed Forces Day, which commemorates the start of the revolt by the Burma National Army under the country’s hero General Aung San against its former ally, the Japanese Imperial Army, in 1945. The country’s military ruled the country with iron fist for more than half a century. (AP Photo/Aung Shine Oo)

SOMALI NEWS

To Top