WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaadhay Degmadda Guriceel

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, iyadoo safar dhulka ah kaga soo ambabaxay magaalada Dhuusamareeb.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa soo dhoweeyay dadweyne fara badan iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ah qeyb ka ah safarada uu maalmihii la soo dhaafay ku marayay qeybo ka mid ah gobolada dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmo doona qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana la filayaa inuu socdaalkiisa ku soo gabagabeeyo degmada Caabudwaaq oo uu ka soo jeedo Madaxweynaha.

SOMALI NEWS

To Top