WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Cali Khaliif Galaydh oo sanado badan kadib maanta soo gaadhay Laascaanood-Video

Cali Khaliif Galaydh oo labadii cashee lasoo dhaafay ku sugnaa Degmadda Kalabeydh ee Gobalka Sool isla markaana kulamo la lahaa waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee Deegaanka ayaa ugu danbeyn maanta waxaa uu soo gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool oo uu mudo badan ka maqnaa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Cali Khaliif oo ay galbinayaan Gaadiid Dagaal oo ilaaladiisa badan ayaa kasoo galay Magaalada dhanka Koonfureed waxaana uu u gudbay Hotel Xamdi oo ku yaalla Bariga Magaalada,isaga lama uusan hadlin warbaahinta balse xubnihii la socday mid kamidda ayaa hadal kooban oo uu siiyey warbaahinta waxaa uu sheegay in uu maalmao ku sugnaan doono Laascaanood isla markaana wixii war ah dib laga ogaan doono.

Waa markii igu horaysay ee mudo 18 sano ah uu Cali Khaliif soo gaadho Laascaanood isaga oo ah Madaxweynaha Khaatumo,marka laga reebo laba jeer oo uu mid kasta garoonka Diyaaradaha kasoo degay ugana sii gudbay Widhwidh isaga oo aan soo galin magaalada Laascaanod gudaheeda.

SOMALI NEWS

To Top