WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Cali Khaliif oo Beeshiisa taageero uga raadinaya Wadahadalkii Khaatumo iyo Somaliland-Video+Warbixin

Sadexdii Cashee lasoo dhaafay waxaa degmadda Kalabeydh ee Gobalka sool shir uga socday odayaasha iyo waxgaradka Beesha Bahararsame kuwaas oo degaano kala duwan isaga kala yimid isla markaana ka soo qayb galay shirka.

Shirka waxaa si weyn loogu qaadaa dhigay isla markaana ay odayaashu ku lafa gureen xoojinta iyo dardar galinta nabadeynta Colaadii dhawaan ka dhacday Deegaanka Qoriley,Sidoo kale Waxgaradka oo deegaano Farobadan kayimi ayaa sheegay inay taageero Buuxda siinayaan wadahadalkii Maamulada Khaatumo iyo Somaliland.

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh oo kulanka goob joog ka ahaa ayaa si weyn ugu mahadceliyey odayaasha deegaanka sida ay u taageereen sii wadida wada hadalada u dheexeya Khaatumo iyo Somaliland,waxaana uu hoosta ka xariiqay Cali Khaliif in uu sii wadi doono taageero u raadinta wada hadalada Khaatumo iyo Somaliland ilaa inta uu ka gaadhayo waa sida uu hadalka u dhigaye.

Cali Khaliif oo maalmahan safar uusan shaacin ujeedkiisa dhabta ah ku marayey deegaano badan oo a tirsan Sool iyo Cayn ayaa hada waxaa kulanka uu la yeeshay odayaasha  Beeshiisa waxaa cadaatay in uu tageero u raadinayo wada hadalada Khaatumo iyo u dhexeeya Maamulka Somaliland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Mr Galaydh ayaa sidoo kale maanta soo gaadhay Laascaanood halkaas oo la filayo in uu dhowrka Casho ee soo socda ku sugnaan doono in kasta oo aanan si dhab ah loo ogayn wax yaabaha uu ka qaban doono balse waxaa la filayaa in uu la kulmo qaar kamid ah qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo waxgaradka Deegaanka isla markaana uu ka dhaadhiciyo wada hadalada Maamulada Somaliland iyo Khaatumo.

Horufadhi Media.com

SOMALI NEWS

To Top