WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Dowladda Soomaaliya oo Ciidamadda Maamulka Puntland taageero xooggan siin doonta iyo Somaliland oo-Video+Warbixin

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/qaadir Saciid Muuse oo kormeer ku tagay qaar ka mid ah xarumaha Ciidanka Booliska magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa ka warbixiyay booqashadiisa.

Waxaana uu tilmaamay in deegaanadaasi ay u gaareen, sidii ay u ogaan lahaayeen baahiyaha ay qabaan Ciidanka Booliska Maamulka Puntland iyo wax yaabaha ay u baahan yihiin.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

C/qaadir Saciid Muuse Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in Ciidamada Booliska Puntland aysan heysan qalab dhamestiran oo ay ku shaqeeyaan.

Waxaana uu xusay in Wasaaradda amniga Xukuumadda Soomaaliya ay wax ka qaban doonto arrimahaasi .

arrintin ayaa ku soo beegmaysa xili xiisad ay kala dhaxayso Maamulada Puntland iyo Somaliland,isla markaana maamulka Somaliland uu Dowladda Soomaaliya ku eedeynayo in ay gacmaha kula jirto xiisaha ka taagan qaybo kamid ah Gobalka Sool.

 

SOMALI NEWS

To Top