WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Ali Khaliif oo Hargaysa ku hoyday caw iyo Ujeedka Socdaalkiisa oo faah faahsan.

Madaxweynaha Khaatumo ayaa xalay habeenimadii sabtidu soo galaysay goordanbe ka Ambabaxay magaalada Widhwidh ee G / Cayn, asagoo ku siijeeday Hargaysa oo uu ka raaci lahaa subaxnimadii saaka ee sabtida ahayd diyaarad, Madaxweynaha ayaa ku siijeeday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya oo uu shir muhiim ah oo hay’ado caalami ah soo abaabuleen kaga qaybgeli lahaa, waxase jidka kaga jabay gaadhigii uu watay.

 

Taasoo kaliftay in diyaaradii ka tagto sabtidii maanta isla markaana uu caawa seexdo Hargaysa, shabakada horufadhi oo xidhiidh la sameysay dad ku dhaw Madaxweynaha ayaa u xaqiijiyey inuusan Hargaysa u tegin wax shirar siyaasadeed ah gebi ahaanba ee uu ka dhoofayey, sidoo kale waxa la sheegay inuusan cidna kula kulmin Hotel Maansoor oo uu seexday caawa, waxana wararku sheegayaan inuu maalinimada beri ah ka dhoofo doono subaxda hore Hargaysa, asagoo kulankan oo ay garwadeen la yihiin xubnihii Buuhoodle ugu tagay bil ka hor ay soo abaabuleen ku casuuman.

Dad badan ayaa isweydiinaya waxa uu Madaxweynuhu uga dhoofi waayey Buuhoodle ama Laascaanood, balse sidoo kale lama oga duruufaha u saamixi waayey inuu sidaas yeelo. Sidoo kale labada mammal ee Khaatumo iyo Somaliland ayaa heshiisyo hore kala saxiixday taasoo saamaxday isu socodka sida uu sheegay sarkal ka tirsan maamulka Khaatumo, waxana socdaalka Nairobi Madaxweynaha ku wehelin doona wasiirka arimaha debeda Maxamuud Ismaaciil Shabac, xubnaha u shaqeeya maamulada hareeraha ayaa si weyn u faafiyey in Khaatumo isu dhiibtay Somaliland, halka dadka Khaatumo taageersana ay Madaxweynaha ku dhaliileen inuusan deegamadiisa ka dhoofin.

 

Waxaana xubnaha Khaatumo diidka ahi farta wadnaha kaga hayaan in kuwa ay u ololeeynayaan ee Horgalada ka ah Hargaysa lagaga habsado xilal qudheedka, taasoo keentay inay baraa bulshada iyo telefoonada ka bahiyaan warar been abuura.

[email protected]

 

SOMALI NEWS

To Top