WARARKA SOOMAALI

Daawo:Musuq Maasiq iyo Fadeexado Dul hoganaya Hay,adda Shaqaalaha Somaliland iyo 30 Qof Laascaanood..-Video

Waxaa dhawaan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool soo gaadhay Xubno laga soo diray magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaaliland xubanahan oo ah sida ay sheegeen Hay,adda shaqaalaha Soomaaliland ayaa waxaa ay magaalada Laascaanood ka sheegeen in ay wadaan 30 shaqo oo ka banaan wasaaradaha kala gadisan ee maamulkaas isla markaana la doonayo in 30 Shaqaalle kuwaas oo ay sheegeen in ay badelayaan shaqaalihii boosaskan lahaa oo Qaar dhinteen Qaar kalena shaqada laga fadhiiseyey iyo Booosas banaanaday.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Magaalada Laascaanood ayaa markii ay yimaadeen waxaa hadheeyey musuq maasiqii ugu balaadhnaa waxaana ay Dad boqolaal gaadhaya Baabuur kaga soo daba rareen Hargeysa Burco Berbera iyo waliba Gabilay sida dhalinyaro CV-yo xaraysanayse sheegeen waxaana guud ahaan laga dareemay magaalada Laascaanood iyo Nawaaxigeeda.

Intaas kadib waxa ay mudeeyeen aminta rasmiga ah ee la qaadi doono imtixaanka lagu kala saarayo 30-kan Qof goobtana waxay ka dhigeen Jaamacadda Nugaal.

Markii la gaadhay qabashada CV-ga ama warqada Qofka shaqaalaha ah isku sharaxayo oo lagu qabanayey Guriga Gobalka oo saldhig  u ahaa xubnahan Hargeysa ka yimi ayaa waxaa dhacday in Dhalinyaradii Deegaanka ahaa warqadahoodii iyo CV-yadiii Qashinka lagu daro isla jeerkaasna kaga qabto oo kaliya kuwa ka yimi HARGEYSA BERBERA iyo GABILAY.taas oo wax lala yaabo iyo Cadaalad daradii ugu balaadhneyd ee hadhaysay Hay,adda shaqaalaha maamulka Soomaaliland.

Intii Xubnahan magaalada Laascaanood ku sugnaayeen waxaa dhacday in Mudaharaadan kadib markii laga qaban waayey warqadaha CV-ga.ugu danabyn maanta ayaa Hoolka weyn Jaamacadda Nugaal lagu soo Afmeeray waxaana Imtixaanka u fadhiistay 2012 Qof oo ka kala yimi Guud ahaan Deeganaada uu ka arrimiyo Maamulka Somaliland.

Wararka Horufadhi.com

SOMALI NEWS

To Top