WARARKA SOOMAALI

Daawo:Waa tan Qadiyadda iyo Siyaasadda Dhabta ah ee Shacabka Reer Laascaanood Cid Khasbi kartaa ma jirto-Video

Shacabka ku nool guud ahaan Gobalada la isku dhaho SSC ama Sool Sanaag iyo Cayn guud ahaan ama marka la eego (Minjoorati) dhamaantood waa Dad aaminsan Midnimada iyo Wada jirka umadda Soomaaliyeed sidoo kale waa dad ku dhagan oo ay ku adag tahay waliba si xeel dheer Qadiyadda iyo Mabda,a Soomaali-weyn,Waa Dad ku dhaada oo aan waxba dhaafsan Calanka Soomaaliya hadii loo keeno wax kasta oo ay Nolol ku heli karaan way ku adag tahay in ay Dhulka dhigaan oo ka dhaqaaqaan Calanka Soomaaliya iyo Mayalka adag ee Soomaalinimada.

Hadaba saan wada ogsoonahay inteena badan waxaa sanadadii dambe ilaa markii ay meesha ka baxday Dowladii dhexe ee Soomaaliya Soomaalidu inteeda badan qolo kastaaba ay ka yagleelatay Gurigeeda ama Gobalkeeda maamul Beel iyo Siyaasad reernimo ku dhisan kuwaas oo Qolada deegaanka ama Beesha Maamulka madaxdiisa leh iska Fuudh yeesho awooda siyaasadeed iyo guud ahaan nadaamka maamulka.

Shacabka ku abtirsada Gobalada Sool Sanaag iyo Cayn waxay ahaayeen kuwo waligood iyo waaqood ku dhagan rajana ka qaba in mar uun ay soo bidhaami doonto Soomaali mid ah oo Dowlad awoodleh dhisata madaama aysan u cuntamayn Saamiyada iyo qaababka maamulada Hareeraha ka xiga ay wax u wataan.

Intii Dowladii dhexe ee Soomaaliya ay meesha ka baxday Shacabka ku dhaqan Gobalada SSC maamulada lagu dul yagleelay waxaa kamid ah Maamulada Soomaaliland iyo Puntland oo Gobalo iyo Casimado ka dhigtay Gobalada Garoowe iyo Hargeysa,Maamuladaas dhamaantood shacabka ku dhaqan SSC waxay u geysteen Dulmi iyo dagaalo xoogan oo ay u adeegsanayeen awood ciidan iyo Mid siyaasadeed wixii ay sameysteen 25-kaas sano ee Dowlad la,aanta la ahaa. Reer SSC waxay ahaayeen shacabka ugu dul qaadka badan Duulaamada iyo Xsaradaha Beelaysan ee kaga imaanayey Somaaliland oo Beesha Isaaq ah isla markaana dhisatay maamulka Soomaaliland iyo Beesha Majeerteen oo dhisatay maamulka la dhaho Puntland.

Waxaa jiray  Dagaal badan iyo iska Hor imaadyo fara badan oo ka kala dhacay degaanada SSC oo mar kasta ay labadaas maamul iyaga oo sheeganaya Duulaan aan loo miidaan dayin oo QorI Caaradii ah kusoo qaadayeen isla markaana doonayeen in ay Qasab ku tageeraan kuna raacaan mid kasta Fikirkiisa siyaasadeed.balse Dadka dega SSC waxay ahaayeen kuwo awood waxay hayaana isku dufaacayey fikir waxay qabaana ku diidayey amaawiirta ay soo adeegsanayaan SOMALILAND PUNTLAND.

Magaalooyinka Duulaamada ugu badan lagu soo qaaday qaarna ilaa hada laguba haysto awooda Ciidan iyaga oo Horgalo iyo Siyaasiyin mushahar fiirsadayaalu ay hormuud ka yihiin waxaa kamid ah Laascaanood oo ilaa hada ay Ciidan Soomaaliland iyo Xubno Soomaliland ah ku sugan yihiin iyada oo aan ognahay in marar fara badan xasuuq badan uu ka dhacay.

Magaalada Kale waa Buuhoodle oo ilaa hada weerar xoogan uu kaga socdo Maamulada Soomaaliland iyo Puntland oo mid kastaaba markiisa Duulaan Hubaysan iyo Mid Siyaasadeysanba uu kusoo qaado.balse iska caabin xoogan oo ciidan waxay kala kulmaan shacabka Deegaanka oo iyagu diiday in ay Qaayibaan Gumeysiga Maamuladaas la damacsan yihiin.

Hadaan ugu daadegno dulucda iyo ujeedka warbixinteena waxaan iswaydiin doonaa hadaba shacabka Reer Laascaanood 1o sano waxaa dul jooga Ciidamo iyo Maamul Soomaaliland ah ee maxay aaminsan yihiin? waxaan idiin soo gudbin doonaa muuqaalka iyo Hadalka ama Fikirka saxda ah ee Reer Laascaanood ilaa hada ilaa waaqii aaminsanaa aaminsanaana Doono…….

HALKANKAN RIIX DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top