WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Masar oo goor dambe ka hadlay heshiiskii Farmaajo & Uhuru Kenyatta.

Muqdisho (HM)-Madaxweynaha Dalka Masar, Abdel fattah El-Sisi, ayaa si diiran usoo dhaweeyay heshiiskii maalmo kahor magaalada Nairobi ku gaareen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Al-Sisi qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu kusoo dhaweeyay heshiiska ay gaareen labada Madxaweyne ee Soomaaliya iyo Kenya, waxa uuna tilmaamay in heshiiskaasi yahay mid muhiim ah oo xasilooni u horseeda gobolka.

“Waxaan muujinayaa in aan aad ugu faraxsanahay heshiiska ay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya wada saxiixeen, kaas oo laysugu soo dhoweynayo xiriirkii iyo iskaashigii ka dhexeeyay labada Dowladood”ayuu yiri, Abdel Fattah El-Sisi.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Masar in dowladiisa garab taagan tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeya iyo sidii meesha looga saari lahaa khilaafka soo noq noqday.

Madaxweynaha dalka Masar ayaa kaalin muhiim ah ku lahaa isku soo dhaweynta Madaxda Soomaaliya iyo Kenya, waxa uuna Madaxweyne Al-Sisi ka shaqeeyay kulan magaalada New Yourj ku yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuro.

SOMALI NEWS

To Top