WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xukuumadda Nabad iyo Nolol oo carabka ku dhufatay inay soo wado Xisbi Siyaasadeed-Video

Muqdisho (HM)-Waxaa dhawaan la filayaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo Xisbi weyn oo yeelanayaan kooxda Nabad iyo Nolol ee hada talada dalka heysa, xisbigan ayeyna uga qeyb galayaan masuuliyiinta ku mideesan doorashada soo socota.

Ra’isul Wasaare kuxigeenka Xukuumada Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo maanta ka hadlay bandhig Muqdisho lagu qabtay ayaa sheegay in dhawaan lagu dhawaaqi doono xisbi weyn ay yeelanayaan dowlada talada heysa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaare kuxigeenka in doorashada 2020-ka ay dowlada dhankeeda diyaar ka tahay, waxa uuna xusay in uu rajeenayo in la dhameestro sharciga doorashada iyo xisbiyada.

”Xisbigii weynaa ee dowlada hamoogaanina waa soo socdaa , xisbiga dowlada ha moogaanina oo agjooga dhalinyarooy ” ayuu yiri Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed.

Dowlada Nabad iyo Nolol ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqdo xisbi weyn, lamana oga cida hogaamin doonta xisbigan kuna matali doonta doorashada dambe, waxaana wararku sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre labaduba laga yaabo in ay is sharaxaan.

SOMALI NEWS

To Top