WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Wararkii ugu dambeeyay ee xiisadda Siyaasadeed ee maamulka Soomaliland-Video+Warbixin

Laascaanood (HM)-Soomaliland Xisbiga mucaaradka ah, Waddani, ayaa shaaciyey in uu hakiyey banaanbaxyadii ka dhanka ahaa xukuumadda oo ay ku dhawaaqeen kadib markii xal loo waayey khilaafkii Guddiga Doorashooyinka.

Talaabadan ayaa ka dambeysay markii xiisadda ka dhalatay xadhiga mas’uuliyiin xisbiga ka tirsan iyo khilaafka ay soo farogeliyeen ergo iskeed isku xil-qaamtay oo isugu jira madaxweyne ku xigeenno hore, siyaasiyin iyo UCID.

Ergadda ayaa la kulantay Cabdiraxmaan Cirro, gudoomiyaha Waddani, kaasoo la sheegay in uu ogolaaday codsi ay wada hadal lagu dhameeyo qaddiyadda khilaafka Guddiga Doorashooyinka iyo qalalaasaha ka dhashay.

Warbaahinta maxaliga ah ee Hargeysa ayaa sheegeysa in dhinacyadda isla qaateen in ay “khalad ahayd” xariga mas’uuliyiinta Waddani iyo is-hortaagii xukuumaddu ku sameysay isu soo baxyadda salmiga ah ee Waddani.

Xubnaha is-xilqaamay ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan Muuse Biixi kahor inta aysan la fariisan Wasiirka Arrimaha Gudaha, kaasoo la aaminsan yahay in uu bixiyey amarka lagu joojiyey mudaaharaadyadda.

Faysal Cali Waraabe, gudoomiyaha xisbiga UCID, oo ergada kamid ah, ayaa shaaca ka qaadey in ay cudadooda oo idil isugu geyn doonan sidii Biixi looga dhaadhicin lahaa in uu miiska wada hadaladda la fariisato Cirro.

“Waxaa socda wada xaajoodkii iyo diblumaasiyadii kadib tallo mideysan yeelano, way nawada quseysaayee,” ayuu ayuu u sheegay saxaafadda kadib kulankii Cirro.

Khilaafka Guddiga Doorashooyinka ayaa salka ku haya laba xubnood oo Biixi soo magacaabay, kuwaas oo mucaaradka sheegay in ay u jaran-jeeraa dhanka xukuumadda oo diidey in ay bedesho.

HALKAN KA DAAWO

“Burhaanta ayaanu kicineynaa Jinni iyo Iinsi ayaanu isugu tageynaa,” ayuu ku jawaabay markii la waydiiyey inta ay la eg-tahay rajadda ay ka qabaan in Biixi uu ogolaado wada hadalka iyo heshiis xal waara keeni kara.

Golaha Wakiiladda maamulka Somaliland ayaa horey u meelmariyey Guddiga xili uu khilaafka jiro, waxaana meelmarinta gebi ahaanba kasoo horjeestay xisbiyadda UCID iyo Waddani.

Talaadada maanta ah ayaa lagu waddey in Golaha Wakiiladda ay mar kale xisbiyadda ka talogeliyaan sharciga doorashooyinka ee muranku ka taagan yahay, waxaase loo baajiyey waanwaanta laga dhex-bilaabay Biixi iyo Cirro.

SOMALI NEWS

To Top