WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Puntland Baarlamaanka oo la hor geeyay Miisaaniyad hadal hayn abuurtay-Video

Garoowe (HM)-Baarlamaanka Maamuklka Puntland ee dhowaan doortay guddoomiyaha cusub ayaa maanta la horgeeyay miisaaniyada sanadka soo socda ee Maamul Goboleedka Puntland.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa maanta mudanayaasha Baarlamaanka Puntland u akhriyay Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2020-ka oo gaareysa $ 346,416,158.99 malyan oo Dollar.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Miisaaniyadan oo ah tii ugu badneyd ee abid uu Maamulka Puntland horgeeyo baarlamaanka ayaa shalay waxaa ansixiyay Golaha Wasiirada.

Wasiirka Xasan Shire, oo xildhibaannada Baarlamanka u akhriyay warbixinta Miisaaniyadda dowladda ee 2020-ka, ayaa sheegay in wasaaraddu ay baahiyaha as’aasiga ah iyo sida ay u kala mudan yihiin, ay ku salaysay Miisaaaniyadda, iyadoo lagu xisaabtamayo dakhliga lasoo xarayn karo iyo caawimaada la heli karo.

SOMALI NEWS

To Top