WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xog ku saabsan kulanka Madaxda Xisbiyada & Madaxweyne Farmaajo-Video+Warbixin

Muqdisho ( HM ) Waxaa xalay Magaalada Muqdisho uu kulan ku dhexmaray masuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Madasha Xisbiyada Qaran.

Shirkan ayaa looga wada-hadlay sidii ay kulan wada-xaajood ah u yeelan lahaayeen Madaxdaxwaye Farmaajo iyo hoggaanka sare ee Madasha Xisbiyada Qaranka oo ay kamid yihiin madaxwaynayaal hore Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Shiikh Maxamuud

Xubnaha dhinaca Dowladda Federaalka kulanka ku matalayay waxaa hoggaaminayay taliyaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin halka dhinaca Madasha Xisbiyada Qaran uu hoggaaminayay xoghayaha Xisbiga Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

HALKAN KA DAAWO

Waxaa la sheegay in kulanka uu hor dhac u ahaa kulan weyn oo la filayo in maalinta Arbacada ah [Barri] ku dhaxmari doona Muqdisho madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed si loo soo afjaro khilaafka maalmihii ugu danbeeyay soo kala dhaxgalay labada dhinac.

Shirkan ayaa sidoo kale la sheegay in uu daba socdo Kulan Jimcihii dhexmaray Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin iyo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif kaasoo looga hadlay dejinta xiisada siyaasadeed ee labada dhinac iyo sidii looga wada hadli xalinta tabashada madaxdii hore ee ku aadan xanibaad kooban oo lagu sameeyey safari ay tagayeen magaalooyin ka tirsan dalka gudihiisa.

Madasha Xisbiyada Qaran gaar ahaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa si is daba joog ah ugu eedeeynayay dowladda hadda jirta ay iska idha-tireyso sharuucda dalka iyo ku tagrifal awooddeed, waxaana uu khilaafku sii xoogeystay kaddib markii madashu sheegtay in leysku hortaagay dhawaan safar ay ku tagi lahaayeen magaalada Beledweyne.

SOMALI NEWS

To Top