WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo war kasoo saartay dilka Taliyihii Sirdoonka Puntland ee Gobolka Mudug.

Muqdisho (HM) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilka taliyihii sirdoonka Puntland ee gobolka Mudug, Xaashi Cilmi Geelle , kaas oo xalay fiidkii hore lagu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi.

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan kuwooda lagu khaariyey taliyahaasi.

“Mujaahidiinta ayaa howlgal ka dhacay magaalada Gaalkacyo ku khaarijiyay Xaashi Cilmi Geelle oo ahaa madaxii Ashahaadda ladirirka maamulka Ridada Puntland ee gobolka Mudug.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Sidoo kale warkan ayaa lagu sheegay in kooxdii fulisay dilka ay si nabad ah uga tageen halkaasi.

Taliyaha ayaa xilliga la dilayay ku sugnaa meel aan sidaas uga fogayn guriga uu ka deganaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Goobjogayaal ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in xilliga la dilayay Marxuumka uu isku diyaarinayay inuu aado masaajid u dhawaa, maadaama la isku diyaarinayay salaadda Makhrib oo xilligaas la gelayay.

SOMALI NEWS

To Top