WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xaliima yarey oo weerar ku qaaday M.Dawlad Goboledyada.

Muqdisho (HM)-Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa weerar afka ah ku qaadday madaxda  maamul goboleedyada dalka, oo ay sheegtay in inay caqabad ku yihiin in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in madaxda Dawlad goboleedyada ay diideen in xisbi siyaasadeedyada dalka ay  xarumo ka furtaan maamul goboleedyada, si aysan u dhicin doorasho qof iyo cod ah.

HALKAN KA DAAWO MUUQAAL.

Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in sababta ay madax Dawlad  goboleeyada “u dooneyn inay dhacdo doorasho dadku codeynayaan ay tahay inay ayaga soo xulaan xildhibaanada cusub.”

“Madaxweynaha waxa uu rabaa, in marka la gaaro doorashada uu dhaho reer hebel kaas hala iiga keeno balse waxay iloobeen in markii bari uu baarlamaanka weyn tago inuusan aqoon oo balanta uu uga baxayo” ayey tiri Xaliimo Yarey.

Hadalkeeda ayey sii raacisay, “Anigu siyaasad dambe marabo, xildhibaan, wasiir iyo xil dambe ma rabo, meel ayaan fadhiisanaa, gabdhaha ayaan wax barayaa, waa idiin sheegee idin kama qarinayo”.

Mar ay la hadlaysay madaxda hadda dalka ka talisa ayey tiri, “Dowladeena waxaan ka sugeynaa inay xisbigii keento hadey doorasho rabto”.

SOMALI NEWS

To Top