WARARKA SOOMAALI

Deg-Deg:- Haweenay caan ah oo lagu dilay Gudaha Xalane-Akhriso.

Muqdisho (HM)-Almaas Elman Cali Axmed oo ka tirsaneyd qoyska caanka ah ee reer Elman ayaa ku geeriyootay gudaha xraunta Xalane ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen goobjoogeyaal.

Almaas ayaa sida la sheegay waxaa ku dhacay xabad. Inkasta oo aysan weli ka caddeyn, haddana waxaa wararka intooda badan ay sheegayaan inay ahayd xabad wiifto ah.

Almaas ayaa horey u ahayd xoghayahii koowaad ee safaaradda Soomaaliya ee Kenya, waxayna hadda ka  tirsanryd hey’adda Elman.

Almaas ayaa la dhalatay Ilwad Elman oo ka tirsan QM, iyo Iman Elman oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

SOMALI NEWS

To Top