WARARKA SOOMAALI

Dagaal Xoogan oo Ka Socda Duleedka Muqdisho-Akhriso.

Muqdisho (HM)-Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya inuu halkaas ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

Dagaalka ayaa wuxuu ka socdaa isgoyska Ex Control Afgooye gaar aahan meel aan sidaas uga fogeyn xarunta Taliska Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Rasaas culus ayaa ka socoto agagaarka taliska Ciidanka Asluubta, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in Ciidamo ka wada tirsan dowladda ay dagaallamayaan.

Ciidamada dagaalamayo ayaa sheegay inay kala yihiin kuwa ka tirsan Ciidamada Asluubta iyo ciidamada ilaalada ah ee Jidka uu dhismaha ka socdo ee Ex Control Afgooye.

Dagaalka ayaa socdo muddo ka badan 30 daqiiqo, waxaana la maqlayaa rasaasta noocyadeeda kala duwan oo ay isku adeegsanayaan ciidamada dagaalamayo.

Illaa hadda si rasmi ah looma ogo sababta keentay inuu dagaalkaas bilowdo, waxaana istaagay dhammaan isku socodka gaadiidka iyo Dadweynaha ee Isgoyska Ex Control Afgooye.

Waxaa jiro khasaaro ka dhashay dagaalkaas, inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogeyn tirada dhimashada iyo dhaawaca.

SOMALI NEWS

To Top