WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Jubbaland oo fariin xasaasi u diray Guddiyada Doorashooyinka

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kulan la qaatay Guddiyada hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed iyo heer federaal, guddiga xalinta khilaafadka iyo xubnaha dowlada Jubbaland ku mataya guddiga la taliyayaasha farsamo ee Golaha wadatashiga qaran.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xubnahan ku booriyay inay dardar-galiyaan shaqooyinka muhiimka u ah Bulshada Soomaaliyeed ee ay gacanta ku hayaan.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa Guddiga faray inay doorashada dalka u qabtaan si cadaalad ah, isla markaana laga fogaado wax kasta oo keeni kara khilaaf iyo dib u dhac doorasho.

Guddiyada hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed iyo heer Federaal iyo guddiga xalinta khilaafadka ayaa Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka uga mahadceliyay dadaalka ay ugu jiraan dhicida doorasho loo dhan yahay.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa weli ku sugan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, isagoo kulamo kala duwan ka wada oo uu la qaadanayo Wakiilada Beesha Caalamka, siyaasiyiin iyo Mas’uuliyiin kale.

SOMALI NEWS

To Top